CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Iskudhex yaac maskax

Waa Maxay Iskudhex yaac Maanka?

Xujooyinka maalin kasta waxay kenaan isbedel ku yimaada dareemaha iyo caadooyinka.  Waa muhiim in la kala garto  faraqa u dhaxeeya dabeecada iska caadiga ah oo maalin kasta is bedbedala oo ugu wacan walaaca iyo calaamadaha tilmaama dhibaatooyin badan oo halis ah.  Dhibaatooyinka waxay mudan yihiin in la siiyo fiiri gaar ah goorta ay yihiin kuwa daran, isdaba-jooga, oo wax yeelo gaarsiiya dhaqdhaqaaqa maalmeed ee shaqsiga. 

Iskudhex yaaca Dhimirka waa xanuun ku yimaada Dhimirka kaasoo lagu sifeeyo qas qoto dheer oo ku yimaada fakirka, fahanka, iyo dareenka.  Shaqsiga maskaxdiisa isku dhex yaacdey ma awoodo in uu ufakiro si caqli gal, si haboon uu udhaqmo ama dadka kale si fiican uu udhex-galo.  Asaga ama ayadu waxaa laga yaabaa dhibaatooyin weyn kala kulanto mid ama meelo badan ee nolosha sida shaqada, iskuulka ama reerka.    

Isku dhexyaaca Dhimirka wuxuu ku dhacaa qiyaastii boqolkiiba 1 ee bulshadda aduunka.  Dhacdada iskudhex yaaca maskaxna waa isla mid dunida badankii, ayadoon loo fiirineyn dhaqanka, jinsiga ama  kooxda dhaqaalihiisa bulso.

Waa Maxay Astaamaha Iskudhex yaaca Dhimirka?

Dadka qaba iskudhex yaaca maskax waxaa laga yaabaa in ay muujiyaan calaamado badan kaasoo woqti ka dib si tartiib-tartiib soo korodha.  Waxaa jira laba qeybood oo waa weyn ee calaamado: Hubinti iyo mid diidmo ah.

Caalamadaha hubintida ( xad dhaaf ama howl qabashada caadiga  oo kala go’san) ee iskudhex yaaca Dhimirka waxaa ka mid ah: 

  • Aan cadeyn iyo aaminsanaan been ah (dhalanteed).  Tusaale ahaan, shaqsiga wuxuu aamansan yahay in Talefishinka asiga ama ayadu arin ku saabsan inuu ka hadlaayo.
  • Fikir xaqiiqdii khilaafsan
  • Maqal, aragti ama dareemayo waxyaabo aanan jirin (muuq dhalanteed)
  • Hadal iyo dabeecad isdhex daadsan

Calaamadaha diidmada (in uu lumo ama hoos udhac uu ku yimaado howl qabashada caadiga) waxaana ka mid ah: 

  • Muujinta dareenka oo lawaayo; wajiga oo umuuqda mid aan jawaab bixin iyo dareenka ka lumey. 
  • Dhiiri-gelinta oo lunta
  • Xiiso gal la’aan ku yimaado in uu ka qeyb galo dhacdada bulshada, ama dadka ka ag dhowaado
  • Dhaqdhaq kiciya, sida horey iyo gadaal u dhaqdhaqaaqa.
  • Bulshada iska gooya ama ka dhaxbaxa
  • Walaaca u dayacsan
  • Fasiixnimada iyo soo saarida fakirka iyo hadalka oo yaraada

Maxaa Sababa Iskudhex yaaca Dhimirka?

Sababta cad ee keenta xanuunadda Dhimirka badankooda maha aha mid si buuxda loo fahamsan yahay.  Guud ahaan, xanuunadda Dhimirka waxaa dahliya waxyaabo leysku darey ee fir ah, kuwo kale ee nolosha, iyo deegaanka.  Iskudhex yaaca Dhimirka badanaaba waa mid ku soconaaya reeraha, taasoo laga wada haddii ay jirto fir aad u xoogan ee dhaliya.  Waxaa guud ahaan la’aamansan yahay in iskudhex yaaca Dhimirka lala xiriiriyo kiimikada maxkaxda oo isla-miisan saneyn. 

Mararka qaarkood dadka waxaa haysta dhibaato calaamado maskax xanuun sida iskudhex yaaca Dhimirka oo keenta isticmaalka daroogada, daawooyinka, ama xaalad sabab hooseed u ah daawada.  Sidaa darteed, waa muhiim in lala xiriiro dhaqtar si uu usheego sababaha suurta galka ah ee dhalisey ka hor inta aanan lagu soo gaba gabeyn in shaqsiga uu qabo iskudhex yaac maskax.     

Sidee Baa Loo Daaweeyaa Iskudhex yaaca Dhimirka?

Guud ahaan, daaweynta iskudhex yaaca Dhimirka waxay ka kooban tahay:

  • Daawo
  • Daawayenta dabiiciga ah
  • Baxnaanis Cilmibulsho

Daawada waxay shaqsiga qaba iskudhex yaaca maskax ka caawisaa in sida la rabay ugu shaqeyso aydoo ka yareeysa calaamadaha qaar ee dhibaatada ku haya sida muuqaal-dhalanteedyada iyo dhalanteedyada.  Qofka waxaa laga yaabaa in uu kala kulmo saameyn xun sida lulmada, afka oo qalala, ama aragtida oo iskudhex darsama.  Saameyntaan badankooda waa mid woqti go’an ah oo waxaa saxi kara ayadoo caawimaad laga helo takhtarka cilmi nafsiga.   

Daaweyenta dabiiciga waxay ka caawisaa in ay ka qabato calaamadaha oo ay barto xirfad, iyo oo ay shaqsiga iyo xubnaha qooskiisa siiso taageero.  Ayadoo la daaweynaayo, qofka iskudhex yaacdey maskaxdiisa wuxuu baran karaa xirfadaha la qabsiga iyo xalinta-dhibaatada ee nolol maalmeedkiisa, inta lagu jiro daaweynta iskudhex yaaca Dhimirka, inkastoo, la tashiga aysan ahayn mid bedesha booska daawadda. 

Baxnaanista Cilmi Bulsho waa xeelad ku dheehan awooda adeegyada; adeegyo kaa taageera xirfadaha muhiimka ah ee nolol maal-meedka, sida loo maamulo lacagta, raashiin karista iyo nadaafada shaqsiga.

Adeegyada gaarka ah waxaa ka mid ah:

  • Guryo lagu daaweeyo
  • La tashi
  • Xiriirinta adeegyada
  • Gaarsiin
  • Taageero daarwo
  • Adeegyada tababar xirfadeed
  • Is-caawin iyo barnaamijyada taageerada asaaga

Adeegyadaan qeexan oo dheeraad ah, fadlan aqri qoraalka gaaban ee Caafimaadka Dhimirka ee Dadka Waaweyn, kaasoo aad ka heleyso qeexid dheeraad ah iyo adeegyada daaweynta oo diyaarsan ee aad heli karto.     

Sidee Baan Caawimaad U Heli Karaa?

Haddii adiga ama xubin ka mid ah qooskaaga lagu arko qaar ka mid ah calaamadaha sare ee iskudhex yaaca Dhimirka, takhtarkaaga kala tasho oo weydii qiimeynta caafimaadka Dhimirka iyo daaweynta ku haboon.   
Adiga ama xubnaha qooskaaga waxaa laga yaabaa in aad xaq u leedihiin in aad Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmadiina ka heshaan adeegyada caafimaadka Dhimirka.  Degmada waxay leedahay talefoon bilaash ah oo aad waci kartid 24 saacadood maalintii, waxaana jooga shaqaale takhasusu u leh caafimaadka Dhimirka oo qiimeeya baahidaada oona kuu sameeya in uu kuu gudbiyo takhtarka ku haboon.  Waxayna awoodaan in ay kugula hadlaan luqada aad doorato.  Adeegyadooda iyo talefoon lambarkoodana waxay ku qoran yihiin boga buuga talefoonka ee dowladda degmada   

Macluumaad Dheeri ah Intee Baan Ka Heli Karaa?

Hay’ada Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nmha.org

Isbaheysiga Qaranka ee Kuwa Qaba Maskax Xanuunka
(800)-950-6264
http://www.nami.org